Gabar weriye ah oo qarax ku dhimatay Muqdisho

Hindiya Xaaji Mohamed oo ka tirsaneyd radiha iyo televisionka Soomaaliya, ayaa waxay u dhimatay dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhashay qalab loogu xiray baabuurkeedii.

Qaraxu wuxuu dhacay iyadoo baabuurka ay Hindiya saarnayd uu marayay meel u dhow safaaradda Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho.