Maxkamad baddashay xukunkii Pistorius

Lahaanshaha sawirka AFP

Maxkamad racfaan, oo ku taalal Koonfur Afrika, ayaa ku baddashay dil ula kac ah go'aankii maxkamddii hore ee inuu si kama ah wax u dilay Cayaaryahanka Oscar Pistorius.

Xaakimka, Justice Leach, ayaa dib eegay kiiska maxkamadda si xukunka loo xaqiijiyo in uu caddaalad yahay.

Wuxuu sheegay in khaladaad la sameeyay intii ay socotay maxkamaddii cayaaryahanka.

Oscar Pistorius, ayaa toogtay oo dilay saaxiibtii Reeva Steenkamp bishii Febraayo ee sanadkii 2013.