Dagaal ka dhacay agagaarka Beledweyne.

Koox hubaysan ayaa weerar ku qaaday ciidamada dawlada Soomaliya iyo kuwa Itoobiya oo iyaga oo kolnayo ah marayey tuulada la yidhaa Ceel Baar oo Magaaladada Beledweyne ee xarunta Hiiraan u jirta 25km.

Taliye ka tirsan ciidanka dawlda Soomaliya Maxamed Cumar ayaa sheegay inay ka dileen kooxdii soo weerertay 13,islamarkaana dhankooda ay 7 askari ka dhawacmeen .

Ciidamada dawlada iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa difaac ka jira goobta lagu weeraray iyagoo gurmad ka sugaya dhanka Baladweyne.