Weearar ka dhacay Qaahira

Lahaanshaha sawirka AP

Ugu yaraan lix iyo toban qof ayaa ku dhintay maqaaxi ku taal magaalada Qaahira ee caasimada Masar.ciidamada amaanka ayaa sheegay in niman afka soo dabooshay ay bambooyin batrool ah ku tuureen dhismaha maqaaxida ku taalay dabeetano halkaasi dab ka kacay.

Dadkii gudaha ku jiraya ayaanay usuurto gelin inay dabka ka baxsadaan dariiqa oo cidhiidhi ahaa iyo meesha oo aan lahayn meel xaaladaha degdeg ah laga bixi karo.Dadka bandakiisa ayaa halkaasi ku nafwayey kadib markii naqasku ku dhagay oo ay qiiq neefsadeen.lama garanyo ujeedada iyo cida ka danbeeysay weerarkani inkastoo madaxda amaanku sheegeen inay dhici karto inay yahiin shaqaale hore oo la xumeeyey.