Diyaaradaha dagaalka UK ee ka dhan ah IS

Diyaaradaha dagaalka ee Britain ee loo yaqaan Typhoon ayaa ku biiray kuwa Tornado oo weerarkii labaad ee dhinaca cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ay leeyihiin kooxda la baxday dowladda Islaamiga ee Suuriya.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Britain ayaa sheegtay in dayaaradaha Typhoons ee halkaa la geeyay ay si xooggan kor ugu qaadayaan awoodda ololaha dagaalka cirka ee xulafada.

Isaga oo ka hadlayay saldhig ciidanka cirka ee Qubrus -- halkaasi oo dayaaradaha dagaalka ee Britain ka duulaan -- ayaa xogahayaha gaashaandhigga UK, Michael Fallon, waxa uu sheegay in dayaaraduhu ay si guul ah u bartilmaameedsadeen goobo shidaalka laga soo saaro oo ku yaal bariga Suuriya.