weeraro ka dhacay Chad

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Ugu yaraan 27-qof ayaa la dilay in kabadan 80-qofna dhaawac ayaa soo gaaray kadib weerar saddex mar la is qarxiyay oo ka dhacay jasiirad ku taal webiga Chad, waxaa sidaa sheegay warar dhinaca ammaanka ah oo laga helay caasimadda dalkaasi ee N'Djamena

Saddex qof oo is qarxiyay ayaa beegsaday saddex goobood oo ku yaal suuq toddobaadkii hal maalin lagu ganacsado oo ku yaal deegaanka Loulou Fou, ee jasiiradda wabiga Chad.

Qof magaciisa ka gaabsaday oo joogay gobal xaalad deg-deg ah lagu soo rogay bishii hore kadib markii mowjado weeraro ah ay ku qaadday kooxda Boko Haram, ayaa arrintan u sheegay AFP.