Shirka isbedelka cimilada ee Paris

Lahaanshaha sawirka AP

Dhinacyada wada xaajoodka ee shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee ka socda magaalada Paris, ayaa soo gudbiyay qorshe heshiis lagu doonayo oo wax looga qabto cimilada dunida ee sii kululaaneysa.

Ergayga Faransiiska ayaa sheegay inuu matalayo rabitaanka ergada si heshiis loo gaaro, inkasta oo arrimo waaweyn oo siyaasadeed ay weli tahay in la xaliyo.

Heshiiskan qabyada ah ayaa waxa ku jira arrimo iska hor imanaya.