Dhibaatada hubka Maraykanka

Wargeyska NewYork Times ayaa markii ugu horeysay muddo boqol sanadood ah waxa uu boggiisa tafatiraha ku qoray maqaal ay kaga hadlayaan toogashadii ka dhacday California.

Fikradda tafatiraha ayaa waxa ay aheyd sidii loo joojin lahaa qoryaha la qaadanayo ee cudurka ku noqday dalka Maraykanka, waxa uuna sheegay in la mamnuuco oo loo baahan yahay in la iibin hubkii dadkaasi ay u isticmaaleen weerarka.

Warbixintan ayaa si aad ah u dhaleeceysay siyaasiyiinta Maraykanka, taas oo ay ku sheegtay in ay lacago ay ka helaan marka ay is sharaxayaan shirkadaha hubka soo saara badalkii ay fiirin lahaayeen nabadgalyada dadka Marykanka.

Wargeyska New York times ayaa markii ugu dambeysay uu ku qoro boggiisa hore ee tafatiraha maqaal ay wax ku dhaleeceynayaan waxa ay aheyd sanadkii 1920-kii.