Faransiiska oo doorasho ay ka dhacayso

Lahaanshaha sawirka AP

Dalka Faransiiska waxaa ka socota doorashada gobolada, toddobaadyo kadib markii taageerayaasha kooxda la baxday Dowladda Islaamiga ay 130 qof ku dileen magaalada Paris.

Cod bixinta waxaa lagu eegayaa il gaar ah iyadoo xisbiga migidta fog ee National Front uu sumcad kasbaday oo xisbigu wuxuu isku xiraa arrinta socdaalka iyo argagixisada.

Raiisul Wasaaraha Faransiiska Manuel Valls oo doonaya inuu tageero u helo xisbiga hantiwadaaga ah ayaa ku baaqay si weyn loogu soo baxo doorashada.