Duulimaadyada Chennai oo dib u bilawday

Lahaanshaha sawirka AFP

Duulimaadyadii diyaaradaha ayaa dib uga bilawday Chennai kaddib todobaad ay ka da’ayeen roobab mahiigaano ah.

Duulimaadyada ayaa la hakiyay todobaadkii hore kaddib markii uu daad galay garoonka oo waxyeelo soo gaartay qalabkii muhiimka ahaa.

Hawlo gargaar oo badan ayaa socda si tobanaan kun oo dad ah loo gaarsiiyo cunto iyo dawo. Dad badan oo magaaladaasi daganaa ayaa wali ku nool goobo ku meel gaar ah oo ay hoy ahaan u adeegsanayaan.

Adeegyadii muhiimka ahaa sida korontada iyo khadadka Tareenada ayaa shaqaynaya iyada oo ay daadadkii dhaafeen meelaha qaar.

Duulimaadyada qaar oo ay ka mid yihiin kuwa diyaaradda Air India ayaa magaaladaasi ka duulay sabtidii. Balse duulimaadyadii caalamiga ahaa iyo kuwii dalka gudahiisa ayaa si dhamaystiran dib uga bilawday maanta oo isniin ah sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Press Trust of India.