Madax DDSI ka socda oo hargaysa booqatay

Wafdi wasiiro ah oo ka socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa galabta gaaray magaalada Hargeysa.

Wafdigaasi oo ka kooban afar wasiir iyo masuuliyiin sare oo kale oo uu hogaaminayo wasiirka Ganacsiga iyo gaadiidka ee DDSI, Khadar Cabdi Ismaaciil waxay ku tageen Somaliland booqasho rasmi ah.

Khadar Cabdi Ismaaciil wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya wuxuu BBC u sheegay in ay madaxda somaliland ka wada hadli doonaan adkeynta xidhiidhka ganacsiga iyo nabadgelyada ee u dhexeeya labada dhinac.

Wafdigan oo Hargeysa ay ku soo dhoweeyeen wasiiro ka tirsan Somaliland ayaa dhinaciisa wasiir ku-xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye wuxuu sheegay in wafdigu inta ay joogaan Somaliland ay fursad u heli doonaan inay la kulmaan wasaaradaha iyo masuuliyiinta uu khuseeyo iskaashiga labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya.