Maxkamadda oo fasaxday in qubuuraha la qodo

Maxkamadda magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa ogolaatay in la soo qufo xabaalaha looga shakisan yahay in ay ku jiraan dad la la waayay.

Waxaa halkaasi gaaray hogaamiyeyaasha laga soo doorto degmadaasi, saraakiil ka socota haya'daha u dooda xaquuqul insaanka iyo dhaqaatiir ku takhasustay baaritaanada maydadka.

Jawiga magaalada ayaa kacsan waxaana la qabanqaabinaya mudaaharaadyo looga soo horjeedo falalkan ka dhacaya.

Axaddii ayaa meel 30 km u jirto magaalda Mandheera waxaa laga helay maydka qof dumar ah oo shan caruur ah dhashay.

Isbuuc ka hor ayaa laga kaxaystay xarun ganacsi oo ay ku lahayd gudaha magaalda Mandheera.

Waxaa jira tuhun ku aadan in laamaha amaanku ay ku legleeyihiin dadka lawaayo iyo dilalka qarsoodiga ah, balse laamaha ammaanku marar badan ayay beeniyen eedaymahaasi.