Itoobiya: 10 milyana ayay abaar haysaa

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption aab ku dhufatay Itoobiya

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in in kabadan toban milyan oo qof oo ay ku jiraan lix milyan oo caruur ah ay u baahnaandoonaan cunto dagdag ah bisha koobaad ee sanadka 2016-ka.

Rai'sal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen, ayaa sheegay in abaartu ay sii jiri doonto sanadka soo socda.

Cabaqadda u wayn ayuu ku sheegay in ay tahay sahayda cuntada iyo gaadiidkii lagu gaarsiin lahaa dadkaasi.

Hay'adda gargaarka ee Britain ee Save the Children ayaa sheegtay in abaartan itoobiya ay tahay tii ugu darnayd ee soo marta muddo konton sano ah, isla markaasna dawladdu u baahantahay in kabadan hal bilyan oo doolar si ay si hufan wax ooga qabato xaaladda.Ethiopia