Heshiiska Milateri ee Kenya iyo Britian

Lahaanshaha sawirka epa

Dalka Ingariiska ayaa la saxiixday heshiis cusub dalka Kenya kaas oo Milatariga Britain ay ku sii joogayaan xero tababar oo dalka kenya muddo shan sano ah.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in ciidamada Britain ee kenya jooga lagu xukumo sharciga dalka haddii ay dambi ku galaan meel ka baxsan xeradooda.

Muranka ku saabsan xukunka askarta Britishka ah waxa uu halis geliyay iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee xaga milateriga.