Nin argagaxisa ah oo la aqoonsaday

Lahaanshaha sawirka AFP

Booliska Faransiiska ayaa aqoonsaday nin sedexaad oo ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday tiyaatarka Bataclan ee magaalada Paris, oo aheyd halkii ay ku dhinteen 90-qof, 13-kii bishii November.

Ninkaas ayaa la sheegay in magaciisa la yiraahdo Foued Mohamed-Aggad, oo 23 sanno jir ah kana soo jeeda magaalada Strasbourg ee ku taal bariga Faransiiska.

Waxaa la aaminsan yahay in uu u safray Suuriya si uu ugu biiro kooxda khilaafada Islaamka laba sanno ka hor