Xukunka Jilaaga reer Hindiya ee Salman Khan

Actor Salman Khan
Image caption Jilaaga Salman Khan

Maxkamadda sare ee magaalada Bombay waxay burisay xukun shan sano oo xarig ah hore loogu riday jilaaga film-da Bollywood, Salman Khan, inuu baabuurkiisa nin ku dhuftay kaddibna uu ka cararay sanadkii 2002.

Bishii May, Mr Khan waxaa lagu helay inuu si aan ula kac ahayn u dilay ninkaas kaddib markii uu garsoore maxkamadeed xukumay inuu shilkaas galay isagoo khamri cabsan.

Wixii waqtigaas ka dambeeyay, damiin ayuu dibadda ku joogay, isagoo racfaan sugayay. Markii xukunka la burinayay, garsoorayaasha maxkamaddu waxay sheegeen in caddeymo muhiim ah, oo ay ka mid tahay markhaati xubin boliiska ka tirsan, uu kaddib dhintay. Mr Khan waxaa uu ka mid yahay jilayaasha ugu mushaharka badan Bollywood.