Billow Keeroow oo la sii daayay

Booliska Kenya ayaa xorriyaddiisa u soo celiyay xildhibaan Aadan Bilow Kerrow oo ka tirsan aqalka sare ee dalka Kenya.

Bilow Keerow oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo siyaasiin kale oo ka soo jeeda woqooyi bari kenya laga qabtay garoonka kaddib markii ay ka soo laabteen deegaanka Mandera.

Xiritaankiisa waxa uu yimid kaddib markii uu ku dooday in xabaal-wadareed laga helay Mandheera balse markii la baaray laga helay hal mayd oo kali ah.

Xildhibaanka iyo mas'uuliyiintii kale ee arrintaas kula jiray markii dambe raalli gelin ayay ka bixiyeen warkaasi la caddeyn waayay markii deegaankaas baaritaan lagu sameeyay.

Markii la soo daayay, kaddib shan saacadood oo hadal laga qorayay, waxaa u sheegay in sababta loo xiray ay ahayd warkii ku saabsanaa in deegaanka Mandheera laga helay xabaal wadareed ay ciidammada ammaanka ee Kenya ku aaseen dad ay qabqabteen intii ay socdeen hawl gallo lagaga jawaabayay weerarro argagixiso oo al-Shabaab ay ku soo qaadeen gobolka woqooyi bari Kenya.