Rajada shirka Isbedelka cimilada

Lahaanshaha sawirka AFP

Wasiirka arrimaha dibada ee Faransiiska oo ah shirgudoonka shirka Paris ee sibeddelka cimilada , aya sheegay inuu ku kalsoon yahay in la gaadhi doono Sabtida.Laurent Fabuis ayaa u sheegay war fidiyeenka in qoraalka ka ma danbeeysta ah Sabtida lasoo gudbin doono.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay inay jiraan wali arrimo laysku hayo oo ay kamid tahay lacagta taagero ahaan loo siinayo wadamada soo korya si ay uga hortagaan dhibaatada isbedelka cimilada.