Wabiyada Soomaliya oo fatahay

Hay'adda QM u qaabilsan xiriirinta arrimaha gargaarka bani'aadanimo ayaa sheegtay in ugu yaraan 145 kun oo qof ay saameeyeen daadad ka dhashay roobab labadii bilood ee u dambeeyay ka da'ay Soomaaliya.

Hay'adda ayaa waxa ay intaasi ku dartay in haatan ay yaraadeen roobabkii ka da'ayay hareeraha wabiyada Jubba iyo Shabeele.

Deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah goobaha roobabkaasi ka da'een, iyadoo waxyeelo kasoo gaartay dalagii beeraha, caafimaad xumana ay ka dhalatay fatahaadasi.