Meydad laga helay jidadka magaalada Bujumbura

Lahaanshaha sawirka Reuters

Ugu yaraan soddon iyo afar qof ayaa laga helay iyaga oo toogasho lagu dilay jidadka magaalada Bujumbura ee caasimadda Burundi.

Kow iyo labaatan qof meydadkooda waxaa laga helay degmada (Nyakabiga) waxaa iyaguna ugu yaraan saddex iyo toban kale lagu arkay xaafadda kale ee (Musaga).

In ka badan laba boqol iyo konton qof ayaa la dilay tan iyo bishii April, markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxtinimada.

Jimcihii, dowladda waxay sheegtay in rag dabley ah oo aan la aqoon inay weerar ku qaadeen xero ciidan.

Beesha caalamka ayaa ka digeysa in Burundi ay qarka u saaran tahay in dagaal weyn uu ka qarxo.