Heshiis laga gaarayo isbedelka cimilada

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Hogaamiyayaasha dunida ayaa shirkaasi ka qeybgalay oo weli sugaya in heshiis dhab ah la gaaro

Kooxaha wadahadallada ay uga socdaan magaalada paris ee dalka faransiiska eek a arrinsanaaya isbedelka cimilada waxa ay u muuqdaan inay ku dhow yihiin heshiis inay gaaraan ka dib isbuuco shirar adag ah.

Wakiillada ka kala socda 190 dal ayaa illaa xalay xilli dambe isla gaaray si ay wax un isugu afgartaan.

Madaxweyne Obama waxa uu hogaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping ugu baaqay inyy dadaallada taageero si loo gaaro heshiis.

Dadka wadahadlaaya waxa ay isku deyayaan inay gaaraan heshiiskii ugu horeeyay ee waajib noqonaya dhaqan gellintiisa, si loo yareeyo qiiqa warshadaha ee hawada lagu siidaayo.

Faransiiska oo kullanka martigelinaaya waxa uu doonayaa inuu heshiiska kama dambeysta gudbiyo maanta.