Heshiis laga gaaray isbedelka cimilada dunida

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Waxa la doonayaa in la yareeyo qiiqa warshadaha ee hawada wasaqeeya

Heshiis wax looga qabanaayo isbedelka hawada dunida ayaa waxaa isku raacay ku dhowaad 200 oo dal oo ku kulan sanaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Wufuuda dalalkaasi matalaysay ayaa si farxad leh u sacbiyay, markii wasiirka arrimaha dibadda ee faransiiska, Laurent Fabius, uu miiska soo saaray si loogu heshiiyo qododbadii isbuucyada laga doodaayay.

Heshiiskan u jeedada laga leeyahay waxa ay tahay in lagu xadido heer kulka cimilada dunida.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dowladaha warshadaha ku hormaray ayaa qeyb ka ah heshiiskan

Waa markii ugu horeysay oo dalalka caalamka ay isku raacaan in si rasmi ah loo yareeyo qiiqa wasaqeeya hawada.

Qeybo ka mid ah heshiiska waa qasab meel marintooda, qaarna waxaa meel marinaya dalkii doona.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Faransiiska waxa uu soo dhaweeyay heshiiska dalkaasi lagu gaaray

Kaddib heshiiskaasi asigoo hadlaayay, madaxweynaha faransiiska, Francois Hollande waxa uu u mahadceliyay wufuudda oo ku heshiiyay wax uu ku qeexay "kacdoonta isbedelka cimilada".

Madaxweyne Obama ayaa dhankiisa heshiiskaasi ku tilmaamay mid aan gaarsiisneyn heerkii looo baahnaa laakiin dunida lagu badbaadinkaro.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, waxa tilmaamay in heshiiskan dunida oo dhan ay ka faa'ideysaneyso.