Haweenka Sacuudiga oo doorasho galaya

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Haweenka Sacuudigu waxay markii ugu horreysay ka qaybgalayaan doorashooyinka dowladda hoose

Haweenka Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay waxay codkooda ka dhiibanayaan doorashooyin ka dhacaya waddankaasi.

Dumarka Sacuudiga ayaa waxa loo oggolaaday inay isku soo sharraxaan doorashooyinka dowladdaha hoose oo ka dhacaya dalka oo dhan.

Ku dhowaad kun dumar ah ayaa u tartamaya xafiisyada dowladdaha hoose, kuwaasi oo ay la tartamayaan ilaa lix kun rag ah.

Ololaha doorashada ayaa lagu soo rogay xannibaadi -- kuwaasi oo ahaa in haweenka murashaxiinta ahi aanay la hadli karin ragga weji ka weji.

Iyadoo sidoo kale dumarka aan loo oggoleyn inay baabuur ku aadaan goobaha codbixinta.

Shirkadda adeegga tagaasida ee Uber ayaa waxay la shaqeyneysaa urur haweenka Sacuudiga oo la yiraahdo Al-Nahda si ay ugu deeqaan haweenka codka dhiibanaya inay bilaash ku geeyaan goobaha cod bixinta.