Wiilka Qadaafi oo Lubnaan lagu afduubtay

Image caption Hanibbal Qadaafi ayaa hadda xurriyadiisa helay sida Lubnaan ay xaqiijisay

Ciidamada amniga ee dalka Lobnan ayaa waxa ay sheegeen in wiil uu dhalay Mucaamir Al-qadafi la siidaayay kaddib markii ay afduubteen koox hubeysan.

Hannibal Gaddafi waxa uu ka muuqday fiidiyow laga baahiyay TV gudaha dalkaasi Lobnaan laga leeyahay asigoo loo maleynaayo in la garaacay.

Waxa uu codsanaayay in la sheego aqbaarta ku saabsan wadaad Shiica ah oo lagu magacaabi jiray Moussa Al-Sadr oo la waayay 1978dii.

Xilligaasi, dhacdadaasi waxa ay aad u xumeysay xiriirka labada dal, iyadoo Lubnaan ay maamulkii Qadaafi ku eedeysay waynta sheekhaasi.

Hannibal Gaddafi waa nin ganacsade ah oo qaba xaas u dhalatay Lubnaan.