Heshiis laga gaaray isbedelka cimilada

Lahaanshaha sawirka Reuters

Kooxaha wadahadallada ay uga socdaan magaalada paris ee dalka faransiiska ee ka arrin sanaya isbedelka cimilada ayaa gaaray heshiis kadib toddobaadyo shirar adag ah ay lahaayeen.

Wakiillo kala socda 190 dal ayaa illaa xalay xilli dambe isla gaaray si ay wax un isugu afgartaan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska, Laurent Fabius, ayaa soo bandhigay qorshaha kama dambeysta ah ee heshiiska isbeddelka cimilada adduunka oo ay ka shirayeen wasiirro ka kala socda dalalka caalamka.

Waxa uu ergada shirka u sheegay wasiirku in qorshahan uu ku jiro heshiis wax looga qabanayo cimilada sii kululaaneysa ee caalamka iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa.