Rabshado ka dilaacay Bangui

Lahaanshaha sawirka AFP

Rabshado, ayaa ka dilaacay caasimadda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee Bangui, iyadoo uu dalku qabanayo afti ku saabsan dastuur cusub.

Wararka, ayaa sheegaya in shan ruux ay ku dhaawacmeen isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha iyo kuwo ka horjeda dastuurka.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in qarax bam iyo xabadeyn ay ka dhaceen degmada Gobongo. Aftida, ayaa waxaa xigi doona doorashooyin guud oo dhacaya labo toddobaad gudahood.

Maamul kala guur ah, ayaa shaqeynayay ilaa markii madaxweyne Francois Boziz ay afgambiyeen falaagada Seleka sanadkii 2013kii.