Heshiiska Paris oo la soo dhaweeyay

Lahaanshaha sawirka Getty

Shiinaha iyo Hindiya, ayaa soo dhaweeyay heshiiska isbeddelka cimilada ee lagu gaaray sabtigii Paris kaddib wadahadalo dheer.

Ra'iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa sheegay in weli ay tahay dhib taagan diiramaadka dunida, balse ay guuleysatay caddaaladda cimilada.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, ayaa sheegay in heshiiska si xaq ah ay u qeybsadeen mas'uuliyadda dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya.

Wufuud ka kala socota ku dhowaad labo boqol oo dal, ayaa isku raacay heshiiska, kaasi oo ujeedkiisu yahay in la xaddido heerkulka sare u kacaya ee dunida, lagana hoos mariyo darajada eber ilaa labo darajo.

Kooxaha ololeeya, ayaa sheegaya in heshiiska uusan meel sare gaarin, qeybo ka mid ah heshiiska ayaa si ay sharci u dhaqangalaya. Madaxweyne Obama, ayaa sheegay in heshiiska uu meel sare gaaray.