Xisbiga Midigta-fog ee Farance oo doorashada waayay

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xisbigan ayaa wareegii koobaad ee doorashada ku guuleystay

Doorashooyiinka goboladda ee dalka Faransiiska ayaa waxaa ka soo baxday natiijo ay xisbiga midigta fog ee Front Party ee ay hogaamineyso Marine Le Pen uu ku guuldareystay inuu helo hal gobol.

Arrintaasi waxa ay dhaawacday rajadii ay ka qabeen in guul taariikheed ay gaaraan.

Ayadoo hadlaysay kaddib markii natiijada hordhaca ah ay soo baxday, Ms Le Pen, waxa ay taageerayaasheeda u sheegtay in arrintan macneheeda uusan ahayn in xisbiga ay u dhamamaatay.

Ninka ay sida weyn ee isku gobolka yihiin waa wasiirkii hore ee caafimaadka ee faransiiska, Xavier Bertrand, wuxuuna u mahadceliyay qofkastoo si xeeladeysan ugu codeeyay.

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska, Manuel Valles oo hadlayna waxa uu tilmaamay in iscajabinta aysan melena uga bannaaneyn dalka faransiiska.