Saraakiil lagu dilay dalka Yemen

Taliye sare oo Sacuudiyaan ah iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Imaaraadka Carabta ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay dalka Yemen.

Arrintan ayaa imaanaysa ka hor wadahadal nabadeed dhacaya maalinta beri ah oo u dhaxeeya falaagada xutiyiinta ah iyo dowladda Yemen.

Labada sarkaal ayaa lagu dilay meel u dhow mid ka mid ah meelaha furimaha ah ee la isku hor fadhiyo dagaalka Yemen, gaar ahaanna dirirta magaalada Ticis.

Waxaa lagu kala magacaabay Abdullahi al Sahyan oo ah kornayl Sacuudiyaan ah iyo Sultan al Kitbi oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Imaaraadka Carabta.

Xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ayaa dagaal ugu jira sidii dib loogu soo celin lahaa madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi tan iyo gugii hore.

Waxay ka saareen xuutiyiinta iyo kooxaha ay gacan saarka leeyihiin inta badan koofurta Yemen. Laakin xataa goobahaas waxay weli yihiin kuwo aan degganayn.

Wadahadallada nabadda ee muddada dheer dib loo dhigayey ayaa lagu wadaa in ay billowdaan Talaadada, xabbad joojin ku meel gaar ah ayaana la filayaa in ay caawa bilaabato.

Hase yeeshee isku dayyo hore oo la doonayey in dhinacyada xabbad joojin lagu dhex dhigo ayaa dhicisoobay.