Obama oo sheegay in duqeynta IS la xoojiyay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Daacish ayaa dhowaanahan magaalooyiin dib looga qabsaday

Madaxweyne Obama ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Mareykanka ay sii xoojiyeen duqeynta ay ku hayaan kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

Lkiin waxa uu qirsan yahay in weli dagaalka uu adag yahay loona baahan yahay in hormar degdeg ah laga sameeyo.

Asigoo ka hadlaayay shir jaraa’id oo nadir ah oo uu ku qabtay Pentagon ka, Mr Obama waxa uu tilmaamay in ciidamada Mareykanka ay dileen tiro ka mid ah hogaamiyayaasha kooxda.

Waxa uu intaa ku daray inay burburiyeen qaar ka mid ah adeegyada dhaqaalaha ay ka hesho kooxda sida shidaalka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in xulafada Mareykanka ee dhulka ay kooxda dib uga riixeen deegaano ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ayaa weji cusub yeeshay kaddib weeraradii Paris ee Faransiiska iyo kii San Bernardino ee gobolka California ee dalka Mareykanka.

Mr Obama waxa uu sheegay in xoghayaha difaaca ee Mareykanka Ash Carter uu u safri doono bariga dhexe si uu u raadiyo taageero militari oo dheeraad ah.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry uu aadayo dalka Ruushka, taas ooq eyb ka ah dadaalka lagu mideynayo dagaalka ka dhanka ah Daacish.