Shaker Aamer: qofna dacwad uma haysto

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shaker Aamer,

Ninkii ugu dambeeyay ee British ah ee lagu hayay xabsiga Guantanamo Bay ayaa sheegay in aysan qorshaha ugu jirin in uu dawladda Britain ku dacweeyo xabsigiisa awgii.

Shaker Aamer, oo waraysigiisii u horeeyay siiyay BBC, ayaa faahfaahiyay tacadiyo uu sheegay in uu kala kulmay xerooyinka Maraykanka iyo xabsiyada Afghanistan.

Wuxuu sheegay in sargaal British ah uu joogay mar la garaacayay.

Laakiin wuxuu sheegay in uusan rabin in qofna loo maxkamadeeyo isaga awgii.

Sababtu uusan sharciga qofna ugu tiigsanayn wuxuu ku sheegay in uusan rumaysnayn in maxkamadu ay cadaalad u samaynayso wax horay u dhacay.

Aamer, oo 48, jir ah waxaa kale oo uu ka hadlay sida uu ugu faraxsanyahay in uu qoyskiisa la midoobo 14 sano kaddib.

Waxaa UK, loogu diiday in uu halis ku yahay ammaanka.

Aamer, waxaa kale oo uu sheegay in ay cadaalad daradu tahay sababta ka dambaysa in ay kordhaan Muslimiinta xagjirka ah.