AMISOM: garoonka Muqdisho lama weerarin

Lahaanshaha sawirka
Image caption Garoonka Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay rasaas laga maqlay garoonka diyaaradaha, loo malaynayo in lagu soo weeraray garoonka taas oo ay ka jawaabeen ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya garoonkaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka weerarkaasi u dhacay iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in labo doomood ay ku soo dhawaadeen xeebta garoonka ku dhaw dabadeedna ay rasaas halkaasi ka soo rideen taas oo keentay in ay ka jawaabaan ciidmada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines oo maalin kasta duulimaad ku tagi jirtay magaalada Muqdisho ayaa maanta joojisay duulimaadkeedi iyada oo aan la sheegin sababta keentay arrintaasi.

Afhayeenka AMISOM Lt. Col. Paul Njuguna oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhawr doomood oo ku soo dhawaaday Garoonka ay rasaas ku rideen dhawr jeer wuxuuna meesha ka saaray in la soo weeraray garoonka.