Marykanka iyo Ruushka oo wada hadlaya

Lahaanshaha sawirka AFP

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa ku sugan caasimadda Ruushka ee Moscow, waxaana uu madaxda dalkaasi kala hadlayaa qaabka xal looga gaari karo colaada Suuriya ka socotay muddada afarta sano ah.

Wadahadalka Mr Kerry uu la leeyahay madaxda Ruushka ayaa looga gol leeyahay sidii loon Russiagu yareyn lahaa farqiga u dhexeeya labada dal ee ku aaddan ururada ka qeyb galaya wadahadalka siyaasadeed ee xalka loogu raadinayo Suuriya.