Xabad joojinta Yemen

Gashaanbuurta Sacuudigu hogaaminayo ayaa sheegtay in toddobo cisho oo xabad joojina ay la gaadheen Kooxda shiicada Xuutiyiinta.

Xabad joojinta ayaa maanta hirgalinteedu kusoo beegantay iyadoo ay maanta dalka Switzerland ka bilaabantay wada hadalada nabada ee Yemen oo ay soo qabin qaabiyeen Qarammada Midoobay.