China: Waa muhiim maareynta internetka

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Shiinaha oo ka hadlaya shirka caalamiga ee internetka.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa soo bandhigay hiigsiga dalkiisa ee ku aaddan qaabka uu mustaqbalka u maamulayo internet-ka, asaga oo sheegay in dal kasta uu u madax bannaan yahay qaabka uu arrinkaasi u wajahayo.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ah ee Internet-ka, kaasoo uu martigeliyo Shiinaha. Dadka dhaliilsan shirka ayaa ku tilmaamay mid lagu hormarinayo aragtida xukuumadda Beijing ee ah in dawladaha ay faafreeb ku sameyn karaan macluumaadka internet-ka.

Madaxweyne Xi ayaa sheegay in loo baahan yahay xushmeynta madax bannaanida ay dalalka u leeyihiin internet-ka, isla markaana ay tahay in dalalka oo dhan lagala tashado maamulka caalamiga ah ee internet-ka.

Weriye ka tirsan BBC oo ku sugan Wuzhen oo ah halka uu shirka ka socdo, ayaa sheegay in khudbada Mr Xi ay si cad u muujineyso in ammaanka iyo maamulka internet-ka ay hadda yihiin kuwo uu Shiinaha siinayo mudnaan qaran.

Madaxda Mareykanka iyo dalalka Yurub ayaan ka qeyb galin shirkaasi.