Mourinho oo hortagay gudiga Chelsea

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Macallin Mourinho oo hortagay gudiga Chelsea

Mustaqbalka tababare Jose Mourinho ee kooxda Chelsea ayaa su’aal la gelinayaa kaddib markii uu gudiga naadigaasi kulan la qaatay macallinka 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa shir gudoominayay kulanka oo looga hadlayay qaabka ay kooxdaasi difaacaneysa horyaalka Ingiriiska wax uga bedeli lahayd guuldarooyinka la daristay.

Kooxda ayaa laga badiyay 9 kulan oo ka mid ah 16-ka kulan ee ay xilli ciyaareedkan dheeleen.

Lama oga tallaabada uu gudiga ka qaadan doono macallin Mourinho.

Abramovich ayaa horay u taageeray tababare Mourinho, balse xaalka kooxdaasi ayaa hadda u muuqda mid aan kasoo rayneynin.