Qatariyiin lagu afduubtay Ciraaq

Wararka laga helayo dalka Ciraaq ayaa sheegaya in ugu 26 qof oo u dhashay dalka Qatar ay qafaasheen dabley aan la aqoon, xilli dadkaasi ay dalxiis ugaarsi ah sameynayayeen.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in dableyda oo wadatay ilaa 50 gaari ay afduubka ka geysteen meel 36 KM u jirta soohdinta uu dalka Ciraaq la wadaago Sacuudi Carabiya, saacadihii hore ee saaka.

Baaritaan ballaaran ayaa ka socda deegaanka, sida uu sheegay booliska Ciraaq.

Dawladda Qatar ayaan weli ka hadlin afduubka loo geystay muwaadhiniinteeda.