US iyo Ruushka oo ka wadahadlay Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kerry ayaa Moscow kula kulmay Putin iyo Lavrov

Mareykanka iyo Ruushka ayaa waxa ay sheegayaan in dowladaha dhulka ugu awoodda badan ay ku kulmi doonaan magaalada New York si ay uga xaajoodaan xaaladda Suuriya.

Qaraarka ka soo baxa kullankaasi ayaa loo gudbin doonaan Qaramada midoobeey si ay u meelmariso.

Hadalkaasi waxa uu ka soo baxay kullan ka dhacay Moscow oo ay yeesheen, John Kerry iyo Vladmir Putin.

Asigoo ka hadlaayay kaddib kullankaasi Moscow, Sergei Lavrov, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, waxa uu sheegay in labada dhinac ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan shaqada arrimaha taagan.

Laakiin dhigiisa mareykanka John Kerry waxa uu hoosta ka xariiqay in xoogaa hormar laga sameeyay waxyaabaha ay labada dhinac isku fahmi la’aayeen.