Maxaabiis la isku dhaafsanayo Yemen

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dhinacyada ku dagaallamaya Yemen ayaa bilaabay xabbad joojin

Ciidammada dawladda Yemen ee taageerada ka haysta Sacuudi Carabiya iyo jabhadda Xuutiyiinta ayaa ku heshiiyay in ay boqolaal maxaabiis is dhaafsadaan.

Mas’uuliyiin Yemen u dhashay ayaa sheegay in heeshiiska la gaaray uu qeyb ka yahay wadahadallada nabadeed ee ay Qaramada Midoobay qaban qaabisay ee dhinacyada dalkaasi isku haya uga socda Switzerland.

Sarkaal sare oo ka tirsan xooggaga taabacsan dowladda ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in maxaabiis ka badan 350 Xuutiyiin ah lagu bedelan doono in ka badan 260 isugu jira rayid iyo dagaalyahanno kasoo jeeda Koonfurta Yemen.

Xabbad joojin 7 maalmood ah ayaa shalay looga dhawaaqay Yemen, balse dhinacyada isku haya dalkaasi ayaa midba kan kale ku eedeeyay inuu jebiyay xabbad joojintaasi.