Mudaharaadyo ka dhan ah Zuma oo K. Afrika ka dhacay

Image caption Dibed baxayaasha ayaa dalbanaya inuu xilka ka dego madaxweyne Zuma

Kumannaan dibed baxayaal ah ayaa socod ku maray qaar ka mid ah wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afrika, ayaga oo dalbanaya inuu xilka ka dego madaxweyne Jacob Zuma.

Dadka dibed baxa sameynayay oo isugu jiray qowmiyadaha kala duwan ee dalkaasi ayaa sheegay in xisbul xaakimka ANC uu danahiisa ka hormariyay danta guud ee dalka.

Mudaharaadyada ayaa ka bilowday olole ka socda baraha bulshada oo loogu magacdaray “Waa inuu dhacaa Zuma”.

Ololaha ayaa bilowday ka dib markii uu madaxweyne Zuma xilka ka qaaday wasiirka maaliyadda oo sumcad weyn ku dhax leh shacabka Koonfur Afrika, kaasoo markii dambe xilka lagu soo celiyay.