Dhinacyada Liibiya oo galabta heshiis saxiixay

Wufuudda Liibiya ee ka qeyb qaatay wada hadalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ay soo qabanqaabisay ayaa saxiixeen heshiis lagu soo afjarayo dagaalka sannadaha badan socday laguna dhisayo dowlad wadaag ah ee midnimo qaran.

Saxiixan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Sukhayraat ee dalka Marooko, halkaasi oo tan iyo sanadkii la soo dhaafay ay ka dhacayeen inta badan wada-xaajoodyada dhex marayay wakiillada labada baarlamaan ee Liibiya ee iska soo horjeeday.

Heshiiska ay taageerayso Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in uu sii socdo inkastoo ay jirto diidmo ka imanaysa hoggaamiyeyaasha hay’adaha sharci-dejinta Liibiya ee iska soo horjeeda.

Waxa ay diideen in ay qabtaan cod ay si rasmi ah heshiiska ugu oggolaanayaan ama ku diidayaan.

Bulshada caalamka ayaa rumaysan in dhammaystirka heshiiskan uu noqonayo tallaabada koobaad ee hannaan dheer oo si degdeg ah ugu baahan inuu wax ka qabto qorshayaasha ah sidii salka loogu dhigi lahaa dowladda iyo dalkaba.

Kuwa diidan saxiixa heshiiska ayaa waxa ay ku kala qaybsan yihiin wasiirrada dowladda wadaagga ah ee la qorsheynayo, iyo sidoo kale faafaahinta heshiiska ee ku aadan hoggaanka milateriga.

Liibiya ayaa inta badan waxaa maamula maleeshiyaad uu loolan ka dhaxeeyo kuwaasi oo aanan ka qayb qaadan wadaxaajoodyada. Lamana oga halka saldhigga u noqon doonta dowladda cusub ee la dhisayo.