Mourinho oo shaqada laga eryay

Jose Mourinho Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Jose Mourinho

Sida ay sheegayaan warar laga helay dad ku dhow-dhow Jose Mourinho, waxaa shaqada laga saaray maamulaha kooxda Chelsea oo haysta horyaalka Ingiriiska ee havdda loo tartamayo hase ahaatee sanadkan la kulantay guuldarrooyin aan hore u soo marin.

Chelsea waxaa laga badiyay sagaal ciyaarood oo ka mid ah 16 kulan ee horyaalka sanadkan. Waana la filayay in warkani soo bixi doono kaddib markii ay guddiga sare shir isugu yimaaddeen maalintii shalay si ay uga wada xaajoodaan mustaqbalka Mourinho.

Faahfaahin badan oo arrintan ku saabsan wararkeenna dambe ayaad ku arki doontaan.