Rwanda oo ay ka dhacday afti dadweyne

Image caption Afti ka dhacaysa Rwanda

Dalka Rwanda maanta waxaa ka dhacday codbixin afti lagu beddelayo dastuurka, taasi oo u oggolaanayso Madaxweyne Paul Kagame in uu mar saddexaad xilka u tartamo.

Sida ay sheegayso dowladdana ku dhawaad afar milyan oo qof ayaa waxa ay horayba u saxiixeen codsi lagu dalbanayo in Madaxweyne Kagame uu mar kale xilkaasi u tartamo.

Dadka reer Rwanda ayaa la filayaa in ay si weyn codkooda uga dhiibtaan aftidan oo ay u codeeyaan in isbeddel lagu sameeyo dastuurka.

Ujeedka ugu weyn ee aftidan ayaa ah in meesha laga saaro sharciga madaxweynaha ku xadidaya in laba jeer oo keliya uu xilka qaban karo, kaasi oo ka hor istaagi lahaa Madaxweyne Kagame in uu u tartamo xilkaasi doorashada soo socota.

Madaxweyne Kagame ayaa gudaha iyo dibaddaba lagu ammaanaa horumarka iyo kobaca dhaqaale ee uu gaarsiiyay Rwanda.

Hase yeeshee dadka dhaliila ayaa ku eedeeyay madaxweynaha xukun adeyg iyo tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Kagame laf ahaantiisa ayaa sheegay in uu ka dhursugayo codka dadweynaha ka hor inta uusan shaacin inuu xilkaasi mar saddexaad u tartamayo iyo in kale.

Isbeddelka lagu sameynayo dastuurka ayey suuragal tahay in Madaxweyne Kagame uu u oggolaado inuu xilka sii hayo tan iyo sanadka 2034-ta, taasi oo noqon doonta 40 sano kaddib markii uu awoodda Rwanda la wareegay xasuuqii dalkaasi ka dhacay kaddib.