Taliye Boliis oo lagu dilay magaalada Berbera

Somaliland police officers
Image caption Ciidan ka tirsan Boliiska Somaliland

Magaalada Berbera waxaa maanta lagu dilay taliyihii ciidanka boliiska birmadka ee gobolka saaxil.

Mas'uuliyiinta Somaliland wax faah-faahin ah kama bixin sababta dilka sarkaalkaasi boliiska ka tirsanaa, inkastoo la sheegay in la qabtay ninkii dilay oo isaguna ka tirsanaa ciidanka uu madaxa u ahaa.

Guddoomiyaha gobolka ayaa dilka sarkaalkan u xaqiijiyay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Siciid cige.