Diyaarad wax bambaano u eg lagu dhex arkay

Image caption Air France

Diyaarad laga leeyahay dalka Faransiiska oo ka soo duushay Mauritius kuna sii jeeday magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa ku qasbanaatay in ay ku dagto magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Kaddib markii diyaaradda laga dhex helay shay laga shakiyay oo loo maleeyey inuu qarxi karo.

Sarkaal ka tirsan Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in duuliyaha diyaaraddaasi oo nooceedu yahay Boeing 777, uu codsaday in uu si dagdag ah u soo dajiyo diyaaradda kaddib markii ay musqusha diyaaradda ku arkeen shay ay uga shakiyeen Bambaano.

Khuburo aqoon u leh waxyaabaha qarxa ayaa baadhaya shaygaasi.

Rakaabkii diyaarada ayaa si nabadqab ah loo soo dajiyay.

Dowladda Kenya ayaa sheegaysa in ilaa lix qof oo rakaabka diyaarada ka mid ahaa su'aalo la weydiinayo.

Rakaabkii diyaarada la socday ayaa waxaa Paris looga soo diray diyaarad kale oo qaada. maadama diyaaradani ay sii wadi karin safarkeeda