Sarkaal Xisbulaah Ka tirsan oo la dilay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Hogaamiye maleeshiyo reer Lubnaan ah ayaa lagu dilay gantaal lagu dhuftay meel u dhow magaalada Dimishiq.

Sida ay sheegeen ururka Xisbulaah

Kooxda maleeshiyada shiicada ah ayaa weerarkan ku eedeeyey dowlada Isra'iil inay ka dambaysay

Ninkan la dilay oo lagu magacaabo Samir Qantar ayaa horay looga sii daayay xabsiga Isra'iil ku yaala

Ka dibna Samiir Qantar waxaa la aaminsan yahay inuu xubin sare ka noqday ururka Xisbullaah

Mudadaasi wixii ka dambeeyey Samir waxa isaga iyo boqolaal dagaalyanaho ay ka garab dagaalamayeen dowlada Suuriya

Bishii September Maraykanka ayaa ninkan ku calaamadiyay argagaxiso

Gantaalkan ayaa la sheegayaa inuu ku dhacay dhismooyin deegaano ah oo u dhow caasimada Dimishiq.