Dagaal ka dhacay Yemen oo dad badan ay ku dhinteen

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption dagaalka Yemen

Ugu yaraan 68 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dagaal kharaar oo u dhaxeeya ciidammada dowlada Yemen iyo fallaagada Xuutiyiinta kaasi oo ka dhacay waqooyi galbeed ee dalkaasi Yemen.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah ugu yaraan sideed iyo labaatan askari iyo afartan ka tirsan fallaagada.

Rabshadahan ayaa ka dhacay deegaan ka tirsan magaalada Harad oo u dhaw xudduuda Sucuudiga halkaasi oo ay ciidammada dowladda la wareegeen laba maalmood ka hor.

Wuxuuna kusoo aadayaa xilli lagu dhawaaqay xabad joojin lagu soo beegay wadahadalada nabadda ee haatan ka soconaya dalka Switzerland.

Maalmo yar ka hor ciidammada dowladda Yemen ee taageerada ka helaya Sucuudi Carabiya oo loo daadgureeyay furumaha hore ee dagaalka ee xudduuda Sucuudiga ayaa waxa ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan magaalada Harad, balse fallaagada ayey kala kulmayeen dagaal rogaal celis ah.

Waxaa jira warar sheegaya in la burburiyay tobaneeyo baabuurta gaashaaman iyo taangiyo, iyadoo diyaaradaha dagaalka ee Sucuudigana ay bartilmaameedsanayeen goobaha ay joogaan fallaagada.