Taalibaan oo la wareegtay magaalo cusub

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dagaalyano ka tirsan Taalibaan

Saraakiisha dalka Afqaanistaan ee ku sugan gobolka Helmand ayaa sheegaya in xooggaga Taalibaan ay guulo hor leh gaareen.

Dagaalyahanada ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen gacan ku haynta xarunta dhexe ee booliska ee magaalada Sangin.

Dagaal ayaa ka socda qeybaha kale ee degmadaasi.

Magaalada Sangin ayaa muddo dheerba ahayd goob ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen xarakada Taalibaan, hasayeeshee usbuucii la soo dhaafay ayay si weyn u kordhiyeen weerrarada ay halkaasi ka gaysanayaan.

Dagaalyahanada Taalibaan ayaa lagu soo warramayaa in ay qabsadeen xafiisyada maamulka ee magaalada iyo weliba xarunta dhexe ee booliska, kuwaasi oo go'doonsanaa muddo dhowr maalmood ah.

Khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa in uu yahay mid culus balse ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijinayso arrintaasi.

Xilli sii horreysayna, ku xigeenka barasaabka gobolka Helmand ayaa waxa uu ka cawday in aanay wax taageero ah ka helin dowladda, hadalkaasi oo uu ku muujiyay warqad furan oo ku socotay Madaxweyne Ashraf Ghani oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Waxa uu sheegay in ugu yaraan sagaashan askari lagu dilay dagaalkii ugu dambeeyay ee ay la galeen Taalibaan, waxa uuna ka digay khasaare intaa ka badan haddii aanay mas'uuliyiinta Kabul qaadin tallaaba degdeg ah.