Weerar lagu qaaday bas Mandheera u socday

Lahaanshaha sawirka AFP

Bas ka baxay magaalada Nairobi oo ku sii jeeday magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa dhexda lagu weeraray.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan labo ruux waxaana lagu dhaawacay saddex kale.

Dhacdadaasi waxay ka dhacday meel labaatan kiilo mitir u jirta magaalada Ceelwaaq.

Rakaabkii saarnaa baskaasi ayaa BBC-da u sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay rakaabka waydiinayeen in ay Muslimiin yihiin iyo in kale sidaas daraadeedna ay u malaynayaan ururka Al-shabaab.

Mid ka mid ah labada qof ee dhimatay ayaa la sheegay in uu cararay markii uu arkay in lakala soocayo dadka.