Siyaasadda Spain oon daganayn

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Doorashada Spain

Dalka Spain ayaa wajahaya siyaasad aan daganayn kaddib markii labo kacdoon oo cusub ay ku guulaysteen saddex meeloodaw meel ka mid ah doorashadii dalkaasi.

Xisbiga dhaqaale tashiilashada ka soo hor jeeda ee Podemos, iyo xisbiga Liberal-ka ah ee Ciudadanos ayaa codad badan helay halka xisbiga Popular Party, uu waayay aqlabiyaddii.

Madaxa xisbiga Podemos, oo lagu magacaabo Pablo Iglesias, ayaa sheegay in ay aad u faraxsanyihiin Spain-na aysan sidii hore sii ahaan doonin.

Xisbiga PP iyo hantiwadaaga ayaa isku badbadalayay talada dalkaasi sanado badan.

Xisbiyadu waa in ay ka wada hadlaan sidii ay u dhisi lahaayeen dawlad wadaag ah.

Xaqiiqaduse waxay tahay in in xisbiga PP ay ku adkaan doonto in uu helo is bahaysi ay dawlad wada dhisaan.